25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Siyaasi saaxiib la’ah XASAN SHEEKH oo si cad uga hor imaaday qodobada shirka MADASHA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii laba kacleyneysa dhaliilaha loo jeedinaayo Madxaweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ka jeestay meel-marinta xuquuqda Gobolka Banaadir.

Xasan C/qaadir Muudey oo ka mid ah ragga Saaxiibada dhow la ah Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka runsheegay xaalada dhabta ah waxa uuna cadeeyay in ilaa iyo iminka Madxaweynaha dalka iyo Maamul Goboleedyada aysan iska wareysan sida laga yeeli lahaa maqaamka Gobolka Banaadir.

Muudey waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu dhaliilsan yahay qodobada qaar ee laga soo saaray Shirka Madasha ee muddo 3 maalin ah ka socday magaalada Muqdisho.

”Qodobada qaar waxa ay ka hor imaanayaan in Gobolka Banaadir uu xubno ku yeesho Aqalka Sare BF. waxa uuna dhigayaa in Gobolada kale ee dalka ay xubno ku yeelanayaan Aqalka Sare taasi anigu kuma aan qancin”.

Waxa uu tilmaamay in Gobolka Banaadir ay u dhow-dahay inuu helo xuquuqdiisa, waa haddii Madaxda dalka iyo kuwo Gobolada isla soo qaadi lahaayen, maadaama aan wali leysku soo hadal qaadin waxaa meesha ka muuqaneysa in Gobolka uusan laheyn xuquuqdii laga filaayay.

”Haddii sharciga la qaadan lahaa waxaan hubaa in Gobolka Banaadir uu yeelan lahaa maqaam heer sare ah, waayo Gobolka Banaadir waxaa ku nool tirro ahaan dad ku dhow saddex milyan. Tiradaas waxay ka badan tahay inta ku nool Maamul Goboleedyada saxiixay qodobada laga soo saaray shirka Dowlada dhexe waxaa laga rabaa inay garato xaqiiqda jirta oo ay la imaado Cadaalad”

”Tirada ugu badan ee dadka ku nool magaalada Muqdisho xuquuq kuma laha Gobolada kale, waxa ay sidoo kale ku qadeen kan Gobolka Banaadir, taasi waa arrin waji kale leh”

Geesta kale, Madaxtooyada Somalia ayuu ugu baaqay in mudada u harsan ay dib u daraaseyso Xuquuqda Gobolka iyo Maqaamka uu leeyahay.

Caasimada Online
XafiiskaMuqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News