Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax culus ayaa waxa uu goordhow ka dhacay bartamaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Qaraxa oo ahaa mid dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa waxa uu ka dhacay Suuq Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla Degmada Afgooye, kaasi oo bartilmaameed u ahaa Ciidamo ka tirsan Dowlada oo halkaasi ku sugnaa.
Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa Bam Gacmeed lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Dowladda gaar ahaan kuwa ka howlgala Degmada kuwaasi oo xiliga Qaraxa lagu weeraraayay ku howlanaa qaadista lacago Canshuur ah.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ilaa Seddex ruux, halka dhaawacana uu gaaray Afar ruux.
Laba kamid ah dadka dhintay ayaa ahaa Ciidamadii Qaraxa lagu tuuray, halka qofka kale uu yahay qof Shacab ah, iyadoo Dadka dhaawacmayna ay isugu jiraan Shacab iyo Ciidan.
Qaraxa ayaa sidoo kale saameyn xoogan ku yeeshay xoolo farabadan kuwaasi oo lagu iibinaayay goobta uu Qaraxa ka dhacay.
Dhanka kale, Ciidamada Dowladda ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano lagu baadi-goobaayo maleeshiyaadkii tuuray Bamka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]