Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in duleedka magaaladaasi laga helay meydadka labo ruux oo la sheegay iney ka shaqeynayay hotel ku yaala magaalada Gaalkacyo.
Labada ruux oo kala ahaa Ethiopian iyo Soomaali ayaa la sheegay iney ka tirsanaayeen shaqaalaha Hotelka Uunlaaye ee magaalada Gaalkacyo, waxaana meydkooda laga helay meel duleedka ka ah magaalada Gaalkacyo.’
Meydadka labada ruux ayaa jirkooda waxaa ka muuqday dhaawac iyo dhiig bax badan waxaana loo badinayaa in qori lagu dilay.
Laamaha amaanka ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegeen in dadkaasi lagu wargeliyay saaka waabigrii ayna kasoo qaadeen meydkooda deegaan Gobsho.
hoos ka daawo sawirada