Muqdisho (Caasimada Online) – Sida muuqata Madaxda Maamul goboleedyadda iyo kan Federalka waxeey fuliyeen oo saxiixeen sideey rabtay Ethiopia taas oo ka dhigan ololaha loogu jiro sidii lagu heli lahaay Baarlamaan Qaranimadda Somalia wiiqa.
Dowladda Ethiopia oo xasuusaneysa iney shacabka Muqdisho la gashay dagaal waxeey tiri “Muqdisho xaquuq maleh, aqalka sare ee dalka waxba kuma lahan” laakiin Heshiiska waxa ugu daran saddex arrimood?
1 – Waxa imaan doona baarlamaan wadamo kale soo xulaan iyo ururo. Madaama madaxda xilalka haya ee baarlamaanka iyo aqalka sare saxiixaya ay yihiin dad fuliya amarada dowlado kale.
2- Waxaa uu siyaasi hoos geynaya siyaasi kale , Tusaale ninkasto xil raba maamulkuu rabo haka tirsanado, reerka uu rabo ha ahaado waxaa uu hoos tegaya saxiixa Madaxweynaha maamulka uu ka tirsan yahay ,Tusaale : Maxamed Cabdulahi Farmaajo, Cabdiweli Yuulka, Cabbdiwahab Ugaas, Barre Hiiraale iyo Prof Gaandi waxaa ay wax ku noqon karaan Saxiixa Axmed Madoobe, haddii uu diido waa waxba kama jiraan doorashadda ay ku soo baxeen
Faroole Cali Xaaji , Ilkajiir , Said dani, Prof Galeydh, Cali Jamac Jengeli iyo kuwa Puntland Cabdiweli Gaas saxiixiisa ayeey wax ku noqonayaan haddii ay siyaasad ahaan is diidan yihiina waa waxba kama jiraan.
Cabdi Qaybdiid, Axmed Macalin Fiqi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Axmed Cabdisalaan, Cabdi Nuure Siyaad, Yusuf Indhacadde, qoladda Mareexaanka, Dirta, Murusade, Waceysle, Habargidir, marka lagu daro maamulka Central Somalia ama Ahlusunah waxeey dhamaan hoos tegayaan Cabdi Kariim Xuseen Guled, haddii uusan saixixina baarlamaanka sooma geli karaan.
Prof Jawaari haduu soo laabanayo waxaa uu u baahan yahay saxiixa Shariif Xasan.
Waa arrin khatarteeda leh in siyaasi mustaqbalkiisa lagu xiro siyaasi kale . Waxay soo dhaweeynayaan in Soomaali sii kala tagto balse Waxaa keliya heshiiskaasi baajin kara wa Baarlamaanka.
3- Haddii Baarlamaanka soo xulaan maamul goboleedyadda maxaa dhici kara ?
Maalinteey is qabtaan Madaxweynaha dowladda dhexe waxeey si dhib yar uga eryi karaan xilka tusaale haddii ay is raacaan Puntland, Jubaland iyo Koofur galbeed waxeey heeystaan codka badnaanta?
Qiyaanadda intaan la eg ee Xukumadda Ethiopia dejisay soow micnaheedu maaha farsamadii ugu fiicneed ee lagu qabsan lahaay Jamhuuriyadda Somalia ?
Waxaa loo baahan yahay kacdoon degdega oo halistaan looga hortago iyo in Baarlamaanka kulankiisa ugu horeeyo ku diido heshiis ku sheegaan qiyaano Qaran.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

