Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo Dagaal culus oo u dhexeeya laba beel oo halkaasi wada dega.
Dagaalka oo ah mid aad u culus ayaa waxa uu iminka xoogiisa ka socdaa Degaanka Yarmoog oo 25-km dhanka Galbeed ka xiga Magaalada Baledweyne.
Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul daaqsimeedka ayaa waxaa la sheegayaa in waayahaanba uu ahaa mid murankaasi taagan.
Deegaanka uu iminka ka socdo dagaalka ayaa waxaa ka barakacay dadkii degnaa intooda badan si uusan Khasaare uga soo gaarin dagaalka labada Maleeshiyo beeleed halkaasi ku dhexmaraya.
Dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ah gaadiid dagaal oo la sheegay inay kala wataan labada beel, waxaana laga cabsi qabaa in Dagaalkaasi uu kusii faafo deegaano kale.
Xaalada ayaa ah md kacsan mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hiiraan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]