Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegaya in Mooshinka laga soo gudbiyay shirka maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe uu yahay mid ay hoosta kawadaan Xildhibaano kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.
Xogta ayaa sheegeysa in Mooshinka ay wadaan Xildhibaano ay kamid yihiin Xildhibaan C/laahi Goodax Barre iyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Mas’uuliyiintaasi oo la sheegay inay u dhar dhigteen fashilinta shirka ka socda magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Goodax iyo Jeesow oo kaashanaaya Xildhibaano kale oo tiradooda la sheegay inay tahay 42, ayaa doonaaya in gabi ahaan la hakiyo shirkaasi, iyaga oo kasoo horjeeda in Madaxweyne Xassan uu Cod ka helo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka uga soo biiri doono Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Goodax Barre iyo Xildhibaanada Mooshinkaani kula bahoobay ayaa si gaar ah uga soo horjeeda Siyaasadda Xassan Sheekh ee ku aadan dhismaha maamulkaasi, waxa ayna Xogtu intaa kusii dareysaa in Xildhibaanadaasi ay u badan yihiin kuwo kasoo jeeda Hiiraan oo garab lixaad leh ka heysta Odayaasha Hiiraan ee ka gadoodsan shirka ka socda magaalada Jowhar.
Xildhibaanada ayaa dalbaday in maamul dhisida labadaan gobal dib loo dhigo, inta laga soo xalinayo is qab qabsiga jira.
Docda kale, waxa ay u dhowdahay in Mooshinkaani uu hirgalo, sababo la xiriira Mucaaradka Xassan Sheekh oo Mooshinka isku baheystay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]