26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

“Anagoo 500 ah 23 ruux ayaan kusoo harnay inta kale wey dhinteen” Dhacdo qabsatay Soomaali

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhinta badaha iyaga oo ka tahriibaya dalka Soomaaliya iyaga  oo doonaya iney helaan dhaldhalaalka wadamada kale ee qaarada Yurub oo ay dhisteen dhalinyaro iyaga lamid ah.

Inka badan 400 oo dhalinyaro ah oo Soomaali u badan ayaa ku dhintay biyaha badda kadib markii dhalinyaradaasi oo ka tagay Soomaaliya ay afka aadiyeen dhanka dalka Gariiga.

Cawaale Warsame oo kamid ah dhalinyaradaasi gaar ahaan dadkii alle uu badbaadiyay ayaa sheegay inuu ku sugan yahay dalka gariiga laakiin ay dhacdooyin badan la kulmeen intii badda ay ku jireen.

Cawaale iyo dhalinyaro kale ayaa markii hore la sheegay iney dhinteen balse markii dambe ayuu Cawaale barta uu facebook ka adeegsado wuxuu kusoo daabacay inuu bad qabo balse dhalinyaro badan oo ay isla socdeen ay dhinteen.

Wuxuu sheegay iney gaarayeen 500 oo ruux oo dooni wada raacay laakiin ay ku badbaadeen 23 ruux ookaliya oo intii kale ay la socdeen ay badda ku dhinteen sida uu sheegay Cawaale.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News