30.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Xog cusub: Imisa dowladood oo qarsoon ayaa ka dhex jira gudaha Soomaaliya (Halista daahsoon)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guud ahaan dalka Somalia, Gaar ahaan Muqdisho, Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka jira maamulo kala duwan oo qaarkood aan muuqan kuwaasi oo awood ahaan la rumeysan yahay inay ka dhaqaalo badan yihiin Dowlada Somalia.

Maamuladaasi ayaa waxa ay u dhigmaan Dowlada, kuwaasi oo aan raali ka aheyn in Somalia ay ka dhalato Dowlad u dhiganta kuwa Africa.

Dowladaha qarsoon ee ka hoos dhigan Dowlada Somalia ayaa waxaa maamusha shaqsiyaad caan ku ah Siyaasad qalafsan iyo kuwo mar waliba kasoo horjeeda in Dowlada Somalia ay ka hano-qaado halka ay iminka taagan tahay.

Dowladaha qarsoon ee ka hoos shaqeeya Dowlada Somalia ayaa waxaa kala wata, Ganacsato, Burcad-badeed, Siyaasiyiin dano Siyaasadeed ka leh Somalia iyo Shaqsiyaad u kala shaqeeya Dowladaha Ethiopia iyo Kenya kuwaasi oo dhaqaale ku qaata fududeynta dilalka dadka indhayaragaratka ah, sida Culimada, Aqoonyahaanada, Siyaasiyiinta iyo kuwa kasoo horjeeda Siyaasada labadaadi dal.

Dadkaani ka hoos shaqeeya Dowlada Somalia, ayaa waxaa si caadi ah ugu soo daga Kunteenaro Hub, Darees iyo Qalab kale oo loogu tallo galay in lagu carqaladeeyo Siyaasada Dowlada si aan Somalia uga dhaqaaqin halka ay iminka taagan tahay.

Dowladanaahi yar yar ee ka hoos dhisan Dowlada Somalia, ayaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ka fuliya dilal kala duwan oo micnahoodu tahay in Somalia oo idil aanu amaan aheyn.

Amuurahaani oo idil ayaa waxaa hoos qulqulaaya Siyaasado fog oo aan lagu soo koobi karin qoraal, waxa ayna Somalia u qasan tahay Adeegayaal u shaqeeya Ethiopia iyo Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News