27.8 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Xog: Ethiopia iyo Gaas oo isla diyaarinaaya liiska xildhibaanada cusub ee ka imaanaya Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa wali ku sugan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweynaha maamulka C/wali ayaa halkaasi u jooga la tashiyo uu Dowlada Ethiopia kala yeelanaayo qorshaha Xildhibaanada cusub ee bedeli doona kuwa hadda shaqeeya.

C/wali Gaas ayaa qaab dhismeedka ay ku imaan doonaan Xildhibaanada BFS kasoo gali doona dhanka Puntland sharaxaad ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn iyo Wasiirka Arimaha Dibada dalka Ethiopia, Dr Tedros Adhanom.

C/wali Gaas, Haile Mariam Desalegn iyo Tedros Adhanom, ayaa lafa-guray qorshaha Puntland ay uga qeybqaadan doonto BFS, waxa ayna Seddexda mas’uul isla garteen in C/wali Gaas laga dhiso arrimahaasi oo idil.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Dowlada Ethiopia ay wado qorsho ay Puntland uga saacidi doonto dhismaha xubnaha u matali doona BF, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Ethiopia ay iyada soo diyaarin doonto Xildhibaanada Puntland uga midka noqon doona BF.

C/wali Gaas ayaa horay ula aaday Addis Ababa Liis dheer oo ay ku qornaayen CV-ga Siyaasiyiin dhowr ah oo doonaaya inay kamid noqdaan BFS, waxaana Liiskaasi kala shaandheyn doonta Ethiopia iyadoo la filaayo in Gaas uu Addis kala soo laaban doono magacyada Xildhibaanada cusub.

Docda kale, Puntland ayaa adeecsan Siyaasadda Ethiopia, waxa ayna arrintaani tilmaameysaa in Ethiopia uu hankeedu intaa kasii ballaaran yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News