Dad shacab ah oo caawa lagu laayay goob ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ku hubeysnaa qoryaha fudud ayaa Caawa dad shacab ah ku xasuuqay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Raggaani oo la socday gaari nooca raaxada ah ayaa isku dayay inay istaajiyaan gaari BL ah oo ay la socdeen dad shacab ah, waxaana la sheegayaa in wadaha gaarigaasi uu diiday inuu istaago kadibna lagu furay rasaas badan.

Rasaasta ay Kooxdaasi fureen ayaa waxaa ku dhintay ilaa Seddex ruux, halka tiro intaa kasii badana ay kasoo gaartay dhaawaca, waxa uuna falkaani ka dhacay Xaafada Warshada Caanaha ee Degmada Hodan.

Falkaani ayaa waxaa geystay rag la sheegay inay ku labisnaayen dareeska Ciidanka kuwaasi oo falka kadib halkaasi ka baxsaday.

Goobta uu falkaani ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamada Dowlada kuwaasi oo gacanta ka laabtay, waxa ayna arrintaani keentay su’aalo badan.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahaani ah mid faraha kasii baxaaya, waxaana cabsi laga qabaa in Muqdisho ay dib ugu laabato marxaladihii ay soo martay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com