28.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Xog ka cusub mooshinka horyaala BF SOMALIA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somalia ayaa qeyla dhaan ka keentay Mooshinkii loo gudbiyay Guddoonka sare ee BFS, kaasi oo lagu dalbanaayay hakinta shirka ka socda Magaalada Jowhar ee maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in Baarlamaanka Somalia uu dhaliil ka keeni karo qaabka uu u socdo shirka, balse ay mudnaan laheyd in arrintaasi looga hadlo hab ka duwan Mooshinka la gudbiyay.

Yaxye Cali Ibraahin, Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha oo arrintaani ka hadlaayay ayaa sheegay in Mooshinka uu carqaladeynaayo hanaanka Siyaasadeed ee maamulka loogu dhisi lahaa Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Yaxye Cali oo arrintaani uga waramaayay Idaacadda KNN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in BFS uu sharci u leeyahay la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda, balse ay wanaagsan tahay in arrimaha shirka ay kala hadlaan Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya.

Yaxye waxa uu sidoo kale, tilmaamay in Wasaaradu ay howshaasi u sameyneyso in la dhameystiro dhismaha maamulka qabyada ah waxa uuna dalbaday in Xildhibaanada BFS ay u yeeraan Wasiirka oo ay Su’aal ka weydiyaan arrimaha shirka si aan loo faragalin shirka socda.

Yaxye Cali Ibraahin ayaa sheegay Maamul kasta oo dalka laga dhisaayo inuu leeyahay caqabad ka hor imaanaysa oo ku aadan sida ay wax u socdaan, balse wuxuu sheegay qof waliba inuusan heli karin sida uu isaga wax u rabo.

Haddalka Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahin, ayaa imaanaya xili BFS uu horyaalo Mooshin ay gudbiyeen Xildhibaano gaaraya 42 Xildhibaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News