30.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

DF oo shaacisay dhalinyarada badda ku la’day

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa wali hadal heysa dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhintay badda u dhaxeysa Masar iyo talyaaniga oo aheyd dhacdo ay aad kaga naxeen ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay wakaaladaha wararka ayaa sheegay in wax laga naxo ay aheyd geerida ku timid halinyarada Soomaaliyeed ee tahriibka ahaa.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in wali aan la heyn tirada rasmiga ah balse ay gaaraan inta ay hayaan hadda ku dhawaad 200 ilaa 300 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwaasi oo tagay Dalka Masar.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed kuwaasi oo doonaya iney halis kale naftooda geliyaan, isaga oo kaga digay qatarta ay la kulmi karaan haddii badda ay galaan.

Maalintii shalay dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney joojisay fiisaha dal ku galka Sudan laga heli jiray iyadoo la doonayo in lagu yareeyo tahriibka ay sameeyaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News