28.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

XF Soomaaliya oo ku dhagan AMISOM (Akhriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Xukuumada federaalka Soomaaliya “XFS” ayaa ku dhagan ciidamada AMISOM ee dhawaan dilkii foosha xumaa u geystay dad ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose oo saarnaa gaari kusii jeeday magaalada Muqdisho.

Maxamed Cumar Carte ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay inuu la kulmay saraakiil ka tirsan AMISOM isaga oo kala hadlay afartii ruux ee maalmo ka hor ciidamada AMISOM ku dileen duleedka degmada Buulo-mareer.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM saraakiishooda qirsan yihiin iney dambi ka galeen ummada Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska dadkooda ay ku laayeen Shabeelaha Hoose.

“Waxaan saraakiisha Amisom kala hadalnay falkii ay ciidamadooda ka geysteen buulo Mareer, runtii arrinkaasi baaritaanno ayaa ka socda, Xukuumadda waa ay ka xuntahay falkaasi dadka rayidka ah lagu dilay, waxaana uu ehelada uga tacsiyadeeyay afarta qof ee ay ciidanka Amisom dishay.”ayuuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la hadlay Radio Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa tacadiyada ugu daran u geysta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Shabeelaha Hoose, waxaana seddex maalin ka hor ay dileen afar ruux oo saarnaa gaaru Zuzuki ah.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News