26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Sawirro: Ciidanka DF oo boob ku haya xoogsato

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Xoogsatada ka shaqeysa soo saarka dhagxaanta jaayga ah ee magaalada Muqdisho, ayaa ka cabaneysa dhac iyo boob ay kala kulmaan Ciidamada Dowlada.

Qaar kamid ah dhalinyarada ka shaqeysa goobahaasi ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay kusoo weeraraan noocyo badan iyaga oo ka qaata lacago baad ah.

Ciidamada qaar ayay sheegen inay kala kulmaan hanjabaado la xiriira inay u geysan doonaan dil iyo xarig waa haddii aysan bixin dhaqaalaha goortaasi looga soo baahdo.

Xoogsatadu waxa ay sheegen in maalin waliba ay ku shaqeeyaan lacago yar, balse aysan jirin calaf ay ku cunaan xoogooda marba haddii wadada loo fadhiyo.

Xoogsatadu waxa ay ku doodayaan inay ka qeybqaatan dib usoo celinta bilicda magaalada Muqdisho, balse aysan muuqan cid arrintaasi ugu garaabeyso.
xoogsato1

xoogsato2

xoogsato3

xoogsato4

xoogsato5

xoogsato6

xoogsato7

xoogsato8

xoogsato9

- Advertisement -

Read more

Local News