Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah usoo laabtay Biyaha Webiga Shabelle oo asbuucyadii ugu danbeysay gaaray heer laga deyriyo oo dadka deegaanka ay rajo beel ka muujiyaan gurashada Biyaha wabiga.
Dadka xoola dhaqatada iyo kuwa beeraha ayaa soo dhaweeyay nimcada alle, waxa ayna dib ugu laabteen beerahooda, iga oo dhanka kale bilaabay tabcashada beerahooda.
Gurista biyaha Webiga Shabelle, ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay qoysaska oo iyagu qiimo aysan awoodin ku iibsan jiray qudaarya iyo wixii la halmaala adeegyada guryaha.
Waxaa hadda rajo wanaagsan laga muujinayaa in hoos u dhac uu ku imaan doono qiimaha qudaarta, haddii ay beeraleyda bilaabeen inay beerahoodu fashaan.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA












