24.9 C
Mogadishu
Saturday, February 14, 2026

Dad shacaba oo lagu laayay gobolka Sh/Hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyaad aan ujeedkooda lagaraneynin weerar ku qaaden guri ku yaalla Deegaanka Muuri, oo ka tirsan Degmada Afgooye.

Maleeshiyada ayaa awood ku gashay guri Deegaankaasi ku yaala iyaga oo halkaasi ugu tagay ruux la sheegay inay aad u baadi-goobayeen.

Wararku waxa ay sheegayaa in Ruuxaasi uu guriga ka baxsaday kadib markii uu ka warhelay weerarka, waxa ayna dileen laba ruux oo halkaasi ku sugneyd xili ay rasaas ku furayeen ruuxaasi baxsadka ka ahaa oo ay doonayeen inay dilaan.

Mid kamid ah dadka deegaanka ku ah Muuri, ayaa sheegay in ninkii ay u socdeen maleeshiyadaasi uu ka booday darbiga guriga islamarkaana uu ka baxsaday gacanta maleeshiyadaasi, balse rasaastii loo waday ay ku dhinteen laba ruux oo aan wax danbi ah laheyn.

Maleeshiyadaasi, ayaa waxay dhacdadaasi ka dib ka carartay halkaasi, si aanay ugu soo bixin dadka deegaanka iyo Ciidanka Militariga Somaliya, oo fariisimo ku leh Muuri.

Baryahaani danbe ayaa waxaa Gobolka Shabellaha Hoose ka taagan xiisad xoogan oo u dhaxeyso laba ka mid ah beelaha degga Gobolkaasi, waxaana jirin tallaabo wax looga qabanaayo xiisadaasi, oo ay qaaday Dowladda Dhexe Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News