26.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Arrin fool-xun oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa G/Sh/Hoose wali ka taagan xiisad u dhexeysa Beelo walaalo ah oo halkaasi wada dega kuwaasi oo kala u gaarsada dadka indhaha u ah labada beel.

Xiisada labadaani beel ka dhextaagan ayaa sabab u noqotay in la kala dilo dad shacab ah oo aan wax xiriir ah la laheyn xiisadaasi taagan.

Xiisada labada beel ka dhextaagan ayaa iminka gaartay heer la kala dilo carruurta, waayeelada iyo dadka aan awooda u laheyn in cagahooda ay ku raadsadaan qutulyoomkooda.

Maleeshiyaad kamid ah labada beel oo ay xiisadu u dhexeyso ayaa saacadihii ugu danbeeyay si fool-xun u dilay gabar yar oo la sheegay inay aheyd afar sano jir, taasi oo dilkeeda uu ka dhacay Deegaanka Ceeljaale, oo dhaca duleedka Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararku waxa ay sheegayaan in Maleeshiyaadkaasi oo qaab beeleed u abaabulan, ay xoog ku galeen guri ku yaala Deegaankaasi Ceeljaale, xili ay ku sugnaayeen laba ruux oo lagu kala sheegay gabadha la dilay iyo hooyadeed.

Maleeshiyadan, ayaan iyagu dilin hooyadaasi, sababo ku aadan, iyadoo sida la sheegay ay isu beel yihiin, islamarkaana ay doonayeen oo qura gabadhaasi yar, oo ka dhalatay beesha kale.

Dilalka salka ku haya aanada qabiil ee ka dhaca G/Sh/Hoose ayaa u muuqaal eg mid dib usoo nooleyneysa aanooyinkii hore ee kasoo wareegatay dhowrka sano waxaana xusid mudan in DFS ay arrintaani foosha xun sheeda un ka daawaneyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News