Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa si adag uga hadashay weerarkii lagu xasuuqay qoys Soomaaliyeed oo ku noolaa duleedka magaalada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose.
Dowladu waxa ay sheegtay inay wado baaritaano lagu waji aqoonsanaayo raggii xasuuqay qoyskaasi, waxa ayna sheegtay in marnaba aan laga aamusi doonin fal ceynkaasi ah.
Dowladu waxa ay intaa raacisay in Odayaal iyo Ciidamo gaar ah loo xilsaaray soo qabashada ragga falkaasi ka danbeeyay.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa yiri ” Ciidamada Booliska ayaa looga fadhiyaa iney baaritaano ku sameeyan arintan Dowladuna ay usoo gacan galshaan ragga ka danbeeyay xasuuqa qoyskaasi loo geystay”
Sidoo kale, Hey’adda u dooda xuquuqda adanaha iyo culumada Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah u cambaareeyay qoys ka koobna 6 ruux oo caruur ay ku jiren oo lagu gubay laguna dilay Duleedka Marka.
Docda kale, Gobolka Shabeelada Hoose waxa ku noq noqday dilal lala xiriiriyo aanoyin qabiil,balse dowlada Soomaaliya weli si rasmi ah ma aysan u xalin arintasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

