27.9 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

DF oo ballan qaad u sammeysay ciidamadeeda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan la shaaciyay in Ciidamada DFS, gaar ahaan kuwa Milliteriga aysan laheyn khibrad ku filan ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Ra’isul wasaare ku-xigeenka Xukuumada Somalia Maxamed Cumar Carte.

Maxamed Cumar Carte, waxa uu sheegay in DFS ay la socoto dhibaatooyinka heysta Ciidamada, waxa uuna ballanqaaday in Dowladu ay buuxin doonto maqaamka Ciidamada Dowlada.

Maxamed Cumar Carte waxa uu sheegay in Xukuumada ay wakhti badan gelin doonto dhismaha ciidamada Amniga aadna looga shaqeyn doono tayadooda.

Maxamed Cumar Carte waxa uu sheegay in ay xukuumada wax ka bedeli doonto arinta mushaarka askarta oo ah kuwa dhibka ugu badan uu soo gaaro.

Carte waxa uu farta ku goday in Xukuumada Somalia ay kasoo dhalaali doonto taabagalinta tababarada iyo Xuquuqda Ciidamada, waxa uuna cadeeyay inay la imaan doonaan isbedel muuqda.

Haddalka Maxamed Cumar Carte waxa uu imaanayaa iyadoo Ciidamada DFS aan si rasmi ah loo siin xuquuqda ay ku lahaayen Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News