Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo gaadiidka Ciidamada amaanka ay qabteen ayaa waxaa lasoo warinayaa in mid kamid ah gaadiidkaasi uu qarxay.
Gaarigaani oo lagu soo hardhay walxaha Qarxa ayaa waxa uu ku qarxay Xaafadda Cali kamiin, waxa ayna ahaayen laba gaari.
Gaariga Qarxay ayaa waxaa ku dhaawacmay Labo ruux oo uu ku jiro Wariye ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Somalia.
Ciidamada Dowlada ayaa xili hore ku howlanaa baadi-goobka labadaasi gaari, balse waxa ay markii danbe ku qabteen Xaafadda Cali kamiin.
Gaariga kale iyo ragii la socday ayaa iminka ku jira gacanta Dowlada, waxa ayna sheegen in labada gaari loogu tallo galay in lagu weeraro maqaaxi ay inta badan ku shaahan dad shacab ah.
Magaalada Muqdisho ayaa baryahaani danbe marti galineysa Qaraxyo iyo dilal qorsheysan kuwaasi oo laga leeyahay dano Siyaasadeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

