Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay shirka maamulka loogu dhisaayo ee iminka gogoshiisu ay taallo magaalada Jowhar.
Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Dowladu ay ku howlan tahay qaabka ay isugu keeni laheyd Odayaasha uu shirka u socdo iyo kuwa ka maqan shirka, waxa uuna tilmaamay in Odayaasha maqan ay la qaadan doonaan kulamo kale si ay shirka socda uga soo qeybgaliyaan.
Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in DF ay juhdi ku bixin doonto wado waliba oo ay raali ku noqon doonaan Odayaasha Hiiraan ee shirka ka maqan, waxa uuna bidhaamiyay in shirkaasi uusan noqon doonin mid ay Odayaasha kasii maqnaan doonaan.
Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay iney la fariisato cid waliba oo cabasho ka keenta sida dowlada ay wax u dooneyso.
Madaxweynaha waxa uu intaa raaciyay in shirka ka socdo magaalada Jowhar uu noqon doono mid mirro dhal leh, islamarkaana mideyn doona dhammaan Beelaha Soomaaliyeed ee uu maamulkaasi khuseeyo.
Dhanka kale, Odayaal dhaqameyd badan oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa hore u diiday iney tagan magaalada Jowhar oo ay shirka halkasi ka socda ka qeybgalan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

