26.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Jawaari oo ku dhegan R/W CC laguna wado in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay qaabka la doonaayo in Xukuumada Somalia ay u maareyn laheyd Doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Jawaari waxa uu sheegay in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ay ka doonayaan in BFS uu horkeeno qaabka ugu sahlan oo ay Xukuumadu u qoondeysay in dalka ay ka dhacdo doorasho loo simanyahay.

Waxa uu Jawaari sheegay in DFS ay jeclaan laheyd in sanadkaani dalka la gaarsiiyo doorasho nin iyo codkiisa, hayeeshee aysan suuragalin, taasi badelkeeda ay Ra’isul wasaare Cumar ka doonayaan in gudaha Asbuucaani uu BFS horkeeno qaabka doorasho.

Jawaari waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in doorashada sanadkaani dhaceyso ay la mid tahay nin iyo codkiisa, balse ay ku kala duwan yihiin keliya Wakiilo Shacabka matalaya inay wax doortan, taasi macnaheeda inay tahay Doorasho Dadban.

Xukuumadda Somaliya ayuu sheegay inay ka sugayaan Sharciga la xiriira Sidii dalka ay uga dhici laheyd Doorasho dadban iyo qaabka Xukuumadda ay u wajahayso arintaasi.

Jawaari oo arrinkaasi ka hadlaayay waxa uu yiri “Warmurtiyeedka la gaaray waa go’aan siyaasadeed, laakiin u baahan Tafaasiil Sharciyeed inuu yeesho, waa arinta aan ka sugeyno Ra’iisul Wasaaraha inuu Bisha 26-keeda keeno sida uu isaga balan qaaday.” Ayuu yiri Jawaari.

Haddalka Guddoomiye Jawaari ayaa imaanaya intabadan shacabka Soomaaliyeed ay qabaan in DFS aysan qaban doonin doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News