Dagaal qaraar oo ka socda magaalada Cadaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Duleedka Dac-dheer, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconaayo Dagaal u dhexeeya Ciidamada Liyuu Boolis iyo dad Shacab ah oo ka soo jeeda Gobolka Galgaduud

Dagaalka ayaa la soo warinayaa in halkaasi uu wali ka socdo islamarkaana uu geystay dhimasho iyo dhaawac, waxaana jira warar sheegaya in Ciidamada Liyuu Boolis ay adeegsanayaan gaadiid Dagaal iyo Hub uu ugu weyn yahay qoriga loo yaqaan dhashiikaha.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa dadka kala soo baxaaya guryaha iyaga oo la aadaya dhanka Ismaamulka Dowlada Deegaanka Ethiopia.

Dagaalka oo wali socda ayaa waxaa ku dhintay ilaa Seddex ruux oo taabacsan dhanka reer guuraaga, halka dhaawaca uu gaarayo ilaa 6 ruux.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in dadka ku dhaawacmay dagaalka la geeyay Isbitaalada Magaalooyinka Cadaado iyo Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug kama uusan haddal dagaalka socda, waxaana lasoo sheegayaa in Magaalada Cadaado ay gaarayaan gaadiid dhaawacyo kala duwan wada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com