25.2 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

Xildhibaannada mooshinka qaar oo is-beddelay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada BFS ayaa ku kala jabay Mooshinkii laga keenay shirka ka socda magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Sheekh Shaacir oo kamid ah BFS oo wareysi gaar ah siinaayay Idaacadda SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wadada loo maray shirka Jowhar uu yahay mid sax ah, islamarkaana uu kasoo horjeedo in Mooshinka aawgii shirkaasi loo hakiyo.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in bedelka la hakin lahaa shirka ay wanaagsanaan laheyd in lasii wado ilaa laga gaarayo mirro dhalka shirka.

Waxa uu Xildhibaanka sheegay inay jiraan Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo aan u muuqan in dadka labada Gobol dega laga saaro dhibta heysata, waxa uuna ku baaqay in loo hogaansamo midnimada.

Xildhibaan Shaacir ayaa hoosta ka xariiqay in Saxiix uu leeyahay iyo Magaciisa loo isticmaalay si qaldan oo uusan waxba ka ogeyn , mooshinkaasi wuxuuna ka dalbaday Mudanayaasha mooshinkaas wada in ay uga cudur daaraan magaciisa ay adeegsadeen.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in Shabeelaha Dhexe iyo Hiiran aan laga reebin Gobollada kale ee maamullada sameystay.

Haddalka Xildhibaan Shaacir, ayaa kusoo beegmaaya xili inkabadan 40 Xildhibaan ay dhawaan Mooshin ku dalbadeen in la hakiyo Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News