Guddoomiye Dalmaax oo lagu dilay magaalada…

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa galabta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ku dilay gudoomiye xaafadeed ka tirsan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ka baxsaday halkii dilka ka geysteen.

Gudoomiyaha la dilay ayaa ahaa gudoomiyihii xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne kaasi oo si weyn looga garanayay magaalada Beledweyne.

Lama oga cidda dilkiisa ka dambeysa, mana jirto cid sheegatay masuuliyada dilka, laakiin kooxaha dilka geystay ayaa rasaas la dhacay gudoomiyihii xaafada Howlwadaag ee magaalada beledweyne.

Gudoomiyaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Diiriye Dalmaax, waxaana dilka ka dib ciidamada ku sugan magaalada Beledweyne ay bilaabeen baaritaano dadkii dilka geystay lagu baadi goobayo.

Maamulka gobolka iyo kan magaalada ayaa sheegay iney baadi goob ugu jiraan dadkii dilka gudoomiyaha ka dambeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com