26.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Maxaa maanta kasoo baxay kulankii mooshinka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Kulan maanta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay mooshinka dhawaan laga gudbiyay wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, kaasi oo lagu dhaliilayay shirka Jowhar.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka wada iyo xukuumada Soomaaliya ayaa loo qabtay muddo kooban iney ku xaliyaan khilaafka dhexdooda ah ee ka dhashay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaanada ayaa loo qabtay iney muddo 45 maalin ah ku dhameeyaan khilaafka mooshinka ka dhashay ee kala dhaxeeya wasaarada arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya.

Gudoonka baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in xubnaha labada gole la doonayo in muddada loo qabtay ayku dhameeyaan khilaafka dhanka mooshinka ah ee dhawaan soo ifbaxay, tan iyo markii dib loo bilaabay shirka ka socdo Jowhar.

Mooshinka ayaa lagu dalbanayay in dib loo dhigo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo beelaha qaar ay saluugsan yihiin kaasi oo ka socdo magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News