24.6 C
Mogadishu
Saturday, February 7, 2026

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Liyu Boolis & shacabka Somalia iyo khasaaraha oo maraya…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo ka dhacay qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya kuwaasi oo badankood ku saleysan qaab qabiileed ama aargoosi qabiil, sida wararka aan ku heleyno.

Dagaalka ugu khasaaraha badan ayaa ka dhacay deegaanka Daac-dheer oo ku yaala xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Liyuu boolis weerar kusoo qaadeen deegaanka.

Dagaalka oo markii hore ku bilowday qaab qabiileed ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayan in ku dhawaad 7 ruux ay ku dhinteen dagaalka ka dhacay deegaanka Daacdheer.

Dagaalka ayaa wali si goosgoos ah looga maqlayaa deegaanka Daac-dheer iyo deegaano kale oo ku yaala xuduuda ay wadaagaan Ethiopia iyo Soomaaliya.

Dad badan oo dhaawacyo qaba ayaa la dhigay isbitaalka caafimaadka ee magaalada Cadaado, waxaana dadka dhaawacyada qaba la sheegay iney waxyeelada ugu daran kasoo gaartay dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Daac-dheer.

Dhinaca kale dagaal ayaa ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe kaasi oou dhaxeeyo labo maleeshiyo beelaad, waxaana la isku heystaa dhul daaqsimeed.

Dagaalkaasi ayaa geystay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dhaawacmay la dhigay isbitaalka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News