26.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Cabdiweli Gaas oo shaaciyay cidda soo xuleysa xildhibaanada ka imanaya Sool, Sanaag iyo Ceyn

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (caasimada Online) –Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas oo VOA la hadlaya yaa ka hadlay qaabka lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka ee ka imaanaya deegaanada Sool. Sanaad iyo Ceyn oo maamulo kala duwan ku murunsan yihiin.

Deegaanada Sool, Sanaag iyo ceyn ayaa waxaa ku murunsan maamulada Khaatumo, Somaliland iyo Puntland waxaase xildhibaanada deegaanada ka imaanaya loo xilsaaray maamulka Puntland oo uu madaxweyne ka yahay Mr Gaas.

Wuxuu sheegay Gaas in xildhibaanada deegaanadaasi ka imaanaya ay soo xuli doonaan isimada Puntland ee kasoo jeeda deegaanadaasi.

Xildhibaanada ayaana qeyb ka noqon doona xildhibaanada baarlamaanka ee labada aqal ee baarlamaanka la dhisayo bisha Agoosto ee sanadkaan.

Hoos ka dhageyso wareysiga.

- Advertisement -

Read more

Local News