Xog: Khilaaf ka dhex curtay Xasan iyo R/W CC iyo Jawaari iyo Xasan oo ku baaqay in deg deg…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in guux Siyaasadeed uu ka dhashay Socdaalka Ra’isul wasaare Cumar uu ku gaaray magaalada Moosko ee dalka Ruushka.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uusan la socon Safarka RW CC uu ku gaaray magaalada Moosko ee uu kula kulmay Madaxda Dalkaasi.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa isla ogaa keliya inuu ka qeybgalo shirka dalalka Islaamka ee kusoo dhamaaday Dalka Turkiga, hayeeshe Cumar C/rashiid waxa uu horay usii aaday dalka Ruushka taasi oo fajac ku noqotay Xassan iyo Madaxda kale ee dalka.

Socdaalka Sharmaarke ee Moosko ayaa waxa uu sidoo kale dhabar jab culus ku noqday Wasaarada arrimadda Dibadda oo socdaalkaasi wax laga weydiiyay hayeeshee aan jawaab ka bixin, waxaana lasoo sheegayaa in Sharmaarke uu magaalada Istanbuul kala xiriiray Safaarada Ruushka isaga oo halkaasi ka helay casuumaada sidaana kusii aaday Moosko.

Madaxweyne Xassan oo ku guda jira ololihiisa doorasho ayaa aad uga carooday Safarkaasi waxa uuna durbo xiriir la sameeyay Guddoomiyaha BFS oo iminka ah ku-simada Madaxweynaha iyaga oo isla dajiyay qorsho aan biyo dhiciisa la ogeyn, balse waxa ay xogtu bidhaamineysaa in Sharmaarke loo tashtay, islamarkaana lala sugaayo dib usoo laabashadiisa Muqdisho.

Docda kale, Sharmaarke ayaa isna la hadal hayaa inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia, taasi oo si gaar ah u saraqaaday dareenka Xassan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com