Muqdisho (Caasimada Online) – Isgoyska No4 ee aadka u mashquulka badan, ayaa Ciidamada AMISOM waxa ay bartamaha laamiga ku jiireen nin waayeel ah.
Ma ahan wax cusub in ay AMISOM gaari shacab ku jiiraan balse arinka aadka iisoo jiitay waxa uu ahaa in manta shacabka Soomaaliyeed ay is hor istaageen gaariga oo ay ku qasbeen in ay qaadaan ninka oo ay si wadajir ah isku hareereeyeen.
Waxaa kaloo jiray in ay ciidamada Soomaaliyeeed ayagana ay shacabka lasoo safteen oo ay si xog ah ugu amreen in ay ninka qaadan, oo ay soo daaweeyaan.
Waliba waxaa jirtay in laba ruux lagu daray si ay ulla socdaan xaaldaha dhibanaha, waa arin lagu farxo tanoo kale waxaa weli dhagaha shacabka ka sii yeeraya arintii isbuucii lasoo dhaafay ay AMISOM Sh/Hoose ka sameeyeen iyo kuwa kale oo aad u fara badan. Isku duubnaanta shacabka ayaa wax weyn taasoo u horseeedeysay guul.
Asad Abukar Ali (ASAD DHAYOW)
Email [email protected]




