26.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Xog: Axmed Madoobe oo raba in baarlamaanka cusub uu xubno ugu soo daro dalka Ethiopia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka maamulkaasi ay bilaaben ka tashiga Xildhibaanada cusub ee uga midka noqon doona BFS.

Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa arrintaani ku wehlinaaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka oo iyagu faramuuqaya cida ku haboon xubinimadaasi iyo cida aysan u arag inuu kamid noqon karo BFS.

Odayaasha qaar ayaa iyaga ku dhagan shaqsiyaad ay u arkaan in xilalkaasi ay mudan yihiin, waxaa sidoo kale jira Odayaal xulista Xildhibaanadaasi u xil saartay maamulka kuwaasi oo iyagu is fahan kala dhexeeya Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu doonaayo in Xildhibaanada dhanka maamulkiisa uga midka noqon doono ay qeyb ka noqdaan tirro ay si gaar ah usoo xulatay Dowlada Ethiopia kuwaasi oo ka imaan doona dhanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Xubnahaani uu doonaayo Axmed Madoobe inuu kusoo biiriyo BFS, iyaga oo ka imaan doona dhanka maamulkiisa ayaa la sheegayaa inay xilal hore ka hayeen maamulka Jigjiga, balse Dowlada Ethiopia oo ka didsan in la fahmo qorshaheeda shaqsiyaadkaasi usoo xulatay in Axmed Madoobe uu ugu daro BFS.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Xubnaha la doonaayo in Axmed Madoobe uu Dowlada Ethiopia ugu daro Baarlamaaka cusub ay gaarayaan ilaa Afar Xildhibaan kuwaasi oo mar waliba u taagan difaaca Dowlada Ethiopia ee ku aadan waxyaabaha laga geeyo Baarlamaanka.

Axmed Madoobe ayaa Siyaasad ahaan aaminsan in Dowlada Ethiopia oo heerkaani gaarsiisay, waanatan ku qasbeysa in Xubno heysta dhalashada Ethiopia uu kusoo biiriyo Baarlamaanka cusub ee badali doona kan hadda shaqeeya.

Dowlada Ethiopia ayaa dooneysa in Mustaqbalka dhow ay la wareegto Siyaasada Somalia, waxa ayna iminka iska soo dhiseysaa dhanka BFS si haddii Mooshin ku aadan Ethiopia loo horgeeyo Baarlamaanka ay Xildhibaanadaasi u difaacan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News