Marko (Caasimada Online)- Shir lagu xalinayo dagaal beeleedyadii kusoo laalaabtay deegaanada Shabeelaha Hoose aya amaanta ka dhacay magaalada Marko, shirkaasi oo ay ka qeyb galeen xubnaha maamulka koofur Galbeed iyo maamulka Shabeelaha Hoose.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubnaha beelaha ee kasoo kala jeeda beelaha ku dgaalamay gobolka Shabeelaha Hoose.
Waxyaabaha kasoo baxay shirkaasi oo si hordhac ah loo soo saaray ayaa waxaa kamid ah seddex qodob oo lagu hakin karo dagaal beeleedyada.
1: In Maleeshiyaadka la kala qaado oo goobaha ay isku horfadhiyaan la geeyo ciidamada Amisom, Nabad Suggida iyo ciidanka Millateriga.
2: In baro cayiman la geeyo Maleeshiyaadka hubaysan ee dirirta u dhaxeysa.
3: In la isku furo isu socodka dadka labada dhinac ka soo kala jeeda.
Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo soo laalaabtay oo u dhaxeeyo maleeshiyo beeleedyo ku kala abtirsada Habargedir iyo Biyo maal.
Caasimada Online
Xafiiska Marko
[email protected]

