Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa soo saartay qoraal ay ku sheegteen masuuliyada weerarkii ugu horeeyay oo ay ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya kaasi oo lala eegtay ciidamada AMISOM ee ku sugan Somalia.
Qoraal kasoo baxay kooxda Daacish ayaa markii ugu horeysay lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay ka burburiyeen gaari ay wateen kaasi oo masuuliyadiisa ay sheegteen kooxda Daacish.
Gaariga Daacish ay sheegatay iney ka burburiyeen AMISOM ayaa waxaa la sheegay inuu marayay deegaanka Tareedishe ee duleedka magaalada Muqdisho.



