26.4 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Somali R/Wasaare ku xigeen ka noqday Uganda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Uganda (Caasimada Online) – Boqortooyada dhaqameedka deegaanka Gabula ee dalka Uganda ayaa dhistay golaha xukuumada deegaanka oo ka kooban 34 xubnood, waxaana markii ugu horeysay kasoo muuqday muwaadin Soomaaliyeed oo xil weyn loo dhiibay.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo xil weyn ka qabtay boqortooyo dhaqameedka deegaanka ka tirsan Uganda ayaa waxa uu hanjabaad kala kulmay waxgaradka iyo dadka asal ahaan kasoo jeeda deegaanka boqortooyo dhaqameedkaasi.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa oo ku yaalla Deegaanka Nakabango ee magaalladda Jinja waxa uu Taageerayaashiisa ugu baaqay inaysan dagaal kala hor imaanin Golaha cusub ee uu ku dhawaaqay.

Waxa uu tilmaamay inaan loo baahnayn in la dagaalamo, maadaama ay iyagu yihiin dad ka soo jeeda Hal boqortooyo oo Deegaanka ah.

Ra’isul-wasaaraha Boqortooyo-dhaqmeedka Gabula waxaa loo magacaabay Dr. Joseph Muvawala, iyadoo Ku-xigeenkiisa Koowaad yahay Dr. Maxamed Lubega Kisambira, halka Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka Labaad loo magacaabay Muwaadin Somali haysta dhalashada Uganda oo lagu magacaabo Osman Axmed Nuur.

Wargeyska The Monitor ayaa qoray inay Dadka Deegaanka ka hor yimaadeen xilka loo magacaabay Muwaadinka Soomaalida oo isagu deggan Deegaanka Bulamogi.

Dadka Deegaanka waxay ku goodiyeen inay gubi doonaan guryaha uu ku leeyahay Degmadda Kaliiro.

Afhayeenka Boliska Waqooyiga Busoga, Michael Kasadha ayaa u sheegay Wargeyska Daily Monitor in Boliska Deegaanka Kaliro loo daad-gureeyey si ay u ilaaliyaan Hantida Muwaadinka Soomaalida ee Xilka Ra’isul-wasaare Xigeenka 2-aad looga doortay Xukuumadda Booqrtooyadda Gabula ee dalka Uganda.

Caasimada Online
xafiiska Uganda
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News