25.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Xog: R/W Hore Saacid iyo Cabdi Weli Sheekh oo iibsaday sumcaddii beesha Sade kaddib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Waxaa beryahanba ka socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya olole aay waday dowladda Kenya kaasoo ahaa sidii looga dhisi lahaa derbi dheer xuduudada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Haddaba si aay taasi ugu suurto gasho, ayaa dowladda Kenya waxaa aay bilowday in aay qaadato wadadii lagu yiqiin dowladda Itoobiya ee ahayd in aay arrimaha Soomaaliya kala xaajooto qabaa’ilada iyo dad wax ma garata ah oo aan dan ka lahayn midnimada, iyo jiritaanka qaran Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay wadada Itoobiya aay ku kala qeyb-qeybisay qarankii Soomaaliyeed.

sacid

Dowladda Kenya ayaa uga yeertay dalalka Masar iyo Imaaraadka carabta laba RW oo aay baarlabaanka JFS aay xilkii aay hayeen ka xayuubiyeen, kuwaasoo kasoo jeeda beesha Sade. RW Cabdiwali Sheekh iyo RW Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka soo dhex muuqday shir aay magaalada Nairobi ku yeesheen qaar ka mid ah ganacsatada beesha Sade iyo wasiirka arrimaha Gudaha Kenya Joseph K Nkaissery. Shirkan ayuu wasiirka ka sheegay in dowladda Kenya aay dhisan doonto derbi dhererkiisu yahay 700 oo KM, kasoo dhismahiisa uu hadda ka socdo xuduuda labada dal.

Beesha Sade oo lagu yiqiin in aay ka mid tahay qabaa’ilada fara ku tiriska ah ee har iyo habeen u soo taagnaa ilaalinta iyo midnimaa Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa hadda waxaa sumcadeedii iyo sharaftii beesha shilimaad ku doorsaday RW Hore Cabdiwali Sheekh iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid. Waa arrin aay aad ula yaabeen dhammaan beelweynta beesha Sade, oo wacad ku maray in aay la xisaabtami doonaan calooshood u shaqeysta yaasha raba in baabi’yaan sharafta beesha.

Warar dheeraad ah oo naga soo gaarayo magaalooyinka Garbahaarey iyo Baardheere ayaa sheegaya in aay socoto qaban qaabo muduharaad looga soo horjeedo Cabdiwali Xiirane iyo Saaacid.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in arrintan aay tahay mid aanan indhaha laga daboolan karin, waajibna aay tahay in shacabka Soomaaliyeed aay meel uga soo wada jeestaan, kana dhiidhiyaan hagardaamada Kenya aay ka waddo gobolada Gedo.

 

 

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News