25.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Xog: 3 mas’uul oo SOMALI ah loo haysto dadkii doonida kula degtay Masar (Aqri magacyadooda)

Bookmark
Bookmarked

Share

Cairo (Caasimada Online) – War ka soo baxay xafiika isgaarsiinta wasaaradda arrimaha dibadda Masar, iyo safaaradda Masar aay ku leedahay Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in seddex masuul oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya aay ka beec mushtaraan visaha dal ku galka dalka Masar.

Seddexda masuul oo kala ah, wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Maxamed Cali Kadiye, Wasiiru Dowlaha Khaalid Cumar iyo Xoghayaha Joogtada Ah Cali Maxamed Cali ayaa waxaa bixiyeen in ka badan 800 oo ah waraaqo looga codsanaayo visaha dalka ku galka dalka Masar.

omar

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar Axmed Abu Zeid ayaa ku tilmaamay in masuuliyadda dadka ku dhammaaday badda Masar aay dhabarka u dhigan doonaan seddexda masuul ee kor ku xusan. Waxaana uu ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in seddexdoodaba maxkamada la soo taago.

Waxaa ku dhintay dad ka bada afar boqol oo qof oo Soomaali ah, kaddib markii aay la degtay dooni tahriib aay ugu saarneeyaan in aay ku gaaraan dalka Talyaaniga.

Lama oga go’aanka uu ka qaadan doono RW Dalka seddexdan masuul iyo in haddii aay shaqadooda ku weyn doonaan iyo in sharciga la horkeeni doono.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in aay arrimaha kala hadli doonaan RW CCC oo dhawaan la filaayo in uu u kicitimo dalka Masar si xal looga gaaro dadka Soomaalida ah ee ku soo qulqulaya dalkooda.
Caasimada Online
Xafiiska Qaahir
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News