Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Soomaaliya ayaa markale dowlada Turkiga gaar ahaan hayad dalkaasi laga leeyahay ku wareejisay ilaalinta badeecooyinka laga soo dajinayo dekada magaalada Muqdisho.
Shaqada ilaalinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dekada ayaa ah mid la doonayay iney qabato dowlada Soomaaliya oo aan lagu aaminin dal kale hayad laga leeyahay, maadaama ay macquul tahay iney sameeyaan waxyaabaha laga cararayo.
Shirkadan laga leeyahay dalka Turkiga ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay iney la socoto ayna ilaaliso in dekada laga soo dajiyo raashiin dhacay iyo dawooyin dhacay intaba.
Hoos ka daawo muuqaalka

