Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa Puntland ku wareejiyay gaari ay lahaayeen ciidamada booliska Puntland, kaasi oo dhawaan lagala goostay ciidamada booliska, sida uu sheegay taliyaha ciidamada booliska ee maamulka Puntland.
C/risaaq Yuusuf Afguduud oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in gaariga dib loogu soo celiyay Puntland ay lahaayeen ciidamada booliska oo been abuur ay ahaayeen wararka sheegaya in gaariga uu lahaa madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.
Taliyaha ciidamada booliska Puntland ayaa sheegay in codsi ay u dirsadeen maamulka Somaliland gaar ahaan taliyaha ciidamada booliska, lagana aqbalay codsigii oo dib loosoo celiyay gaariga booliska lagala baxsaday mar sii horeysay.
Afguduud ayaa mahad celin u jeediyay taliyaha ciidamada booliska Somaliland oo uu sheegay iney wax wanaagsan sameeyeen, maadaama dhankooda horey ay dib u celin wanagasan sameeyeen.
Hoos ka daawo muuqaalka.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

