Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu amar ku bixiyay in Guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare Ceydiid Ilka-xanaf la baaro Hantidiisa.
Madaxweyne Xassan ayaa la sheegayaa in amarkaasi uu siiyay Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka si loo baaro in Hanti Qaran ay ku maqan tahay Ilka-xanaf iyo inkale.
Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale la tilmaamay in Xafiiska Hanti dhowrka uu ku amray in Ilka-xanaf uu cadeymo u keeno Hantida xadka dhaaftay ee ku jirta akoonadiisa, taa oo ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Garsoorka oo uu Xassan Sheekh xili hore adeegsaday ka hor inta aan xilka laga qaadin ilka-xanaf.
Waxa ay intaa xogta kusii dareysaa in madaxweyne Xassan Sheekh uu iminka culeyska ka dulqaaday Ilka-xanaf oo maalintii xilka laga qaaday la faray inuusan dalka ka bixi karin isaga oo aan fasax ka heysan Villa Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, inta badan dadka ayaa qaba in Ilka-xanaf loo heysto kiisas la xiriira inuu ka daba-shaqeynaayay in la fashiliyo Xukuumada Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

