Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa wali ku adkeysanaya siday kaga soo horjeedaan xil ka qaadistii lagu sameeyay gudoomiyihii maxkamada sare ee dalka Ceydiid Ilka-xanaf, xili Ceydiid uu aqbalay xil ka qaadista lagu sameeyay.
Xildhibaanada baarlamaanka oo qaarkood ka hadlay kulamo xildhibaanada ay yeesheen ayaa si cad u sheegay ineysan sharci aheyn xil ka qaadistii lagu sameeyay Ceydiid Ilkaxanaf.
Xildhibaan Cabdi Aadan Dhuubow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa u sheegay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Jawaari inaaney sharciyad aheyn xilka loo magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan.
Sidoo kale Cabdi Aadan Dhuubow wuxuu sheegay ineysan jirin wax shaqo ah ay qabteen gudiga adeega garsoorka oo uu sheegay in sanad ka hor la kala tirsay balse shalay oo kaliya ay soo dhaweeyeen in Ilko-Xanaf xilka laga qaado.
Xildhibaan Cabdi Aadan ayaa ugu dambeyn soo jeediyay aragti ay isku raaceen xildhibaanada kale uuna aqbalay Jawaari oo aheyd in la dhiso xubnaha labada ah ee ka dhiman gudiga adeega garsoorka dalka, lana marsiiyo sifada sharciga ah kadibna xildhibaanada loo gudbiyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

