28.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Xog: GAAS iyo GEELE oo kulan gaar ah yeeshay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, kadib markii wafdiga Gaas ay tageen magaalada Jabuuti.

Kulankaasi ayaa wuxuu ahaa mid diirada lagu saaray xiriirka u dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowlada Jabuuti, iyadoo labada masuul ay isla garteen iney arimo badan iskala shaqeeyaan.

Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in sidoo kale Ismaaciil Cumar Geele iyo C/welli Gaas ay ka wada hadleen xiriirka dhanka ganacsiga ee labada dhinac.

C/welli Gaas ayaa ka sheegay shalay magaalada Boosaaso ee gobolka bari iney Jabuuti kala kaashan doonaan xiriirka dhanka ganacsiga si shacabka deegaanada Puntland ay kaga faa’ideystaan.

Madaxweyne Gaas ayaa shalay isaga oo ku sugan magaalada Boosaaso diiday in warbaahinta ay su’aalo ka weydiiso safarka uu ku tagay magaalada Jabuuti isagoo wax badan qarinayay.

Caasimada Online
xafiiska Jabuuti
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News