Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa digniino caalami ah iyo qeylo dhaan badan kala kulantay hayado kala duwan oo Qaramada Midoobay ka tirsan kadib markii ay shaacisay iney xireyso xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yihiin qaxootiga ugu badan caalamka.
Labada xero ee kala ah Kaakuma iyo Dhadhaab waxaa ku jiro Soomaali badan oo ka cararay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya, halka qaarkoodna ay ka carareen abaaraha iyo dagalaada gobolada dalka ka taagan.
Hayada Dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn MSF iyo hayado kale oo caalami ah ayaa sheegay in go’aanka dowlada Kenya uu qatar gelin karo nolosha ku dhawaad 300,000 oo qaxooti Soomaali u badan oo xeryaha ku nool.
Qoraal kasoo baxay hayada MSF ayaa lagu sheegay iney ka walaacsan yihiin hadalka Kenya kasoo baxay, sidoo kale hayada xuquuqda aadanaha iyo hayada UNHCR ayaa sheegay iney arintaasi ka digayaan iney dhacdo.
“MSF waxay ku boorinaysaa Dowladda Kenya inay dib uga fiirsadaan baaqooda, iyadoo ay Hay’addaha Caalamiga mar hore ku sugnaayeen Xerada, si ay Taageero Samafal Aadminimo iyo inay hubaal ka dhigaan xaalladda nololeed ee Boqolaalka qof ee baahida xooggan qaba” ayey tiri Madaxa Hay’adda MSF ugu qaabilsan Hawlgalladda Samafalka ee Kenya.
Hayada Amnesty Intenational ayaa sidoo kale sheegtay iney ka digayaan go’aanka dowlada Kenya ay qaadatay, waxayna sheegtay inan loo baahneyn xiligaan go’aankaasi oo saameyn ku yeelanaya dad badan oo qaxooti ah.
Hay’adda Human Rights Watch waxay sheegtay inaysan Saraakiishooda haynin caddaymo muujinaya inay Qaxootiga Soomaalida ku lug leeyihiin weeraradda Argagixisadda ee ka dhaca gudaha Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

