25.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Xog: Eng. Cumar Dheere oo lagu dilay Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogteen maamulihii shirkada SOMTEl ee gobolka Mudug Eng Cumar Dheere.

Kooxaha ayaa Eng Cumar Dheere oo si weyn looga yaqaanay gobolka Mudug waxay ku dileen isaga oo kasoo baxay Masjidka Salaama ee magaalada Gaalkacyo, waxaana baxsaday kooxahii dilka u geystay Eng.

Eng Cumar Dheere ayaa kaalin firfircoon ku lahaa horumarinta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, wuxuuna kamid ahaa dadka ugu cad cadaa sanduuqa horumarinta magaalada gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Laamaha amaanka ee gobolka Mudug ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay waxayna baaritaano ka sameeyeen xaafada uu dilka ka dhacay.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
xafiiska Mudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News