Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu booqasho ku gaari doono dalka isutaga imaaraadka carabta.
Socdaalka Siilaanyo ee imaaraadka, ayaa salka ku haya heshiis kala dhexeeya Dowlada imaaraadka kaasi oo ku qotoma Dekadda iyo Garoonka Berbera.
Heshiiskaani ayaa soo jiitamaayay muddo farabadan, waxa ayna iminka xogtu sheegeysaa in Siilaanyo uu socdaalkaani kusoo afmeeri doono wada-hadalka qabyada ah ee kala dhexeeya imaaraadka.
Siilaanyo ayaa doonaya in Dekadda Berbera uu ku wareejiyo shirkadda DP Worl oo sheer ay ku leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Imaaraadka, taasi oo Heshiis lagula galay inay la wareegto Dekadda Berbera si ay dhaqaale uga soo xareyso.
Heshiiska uu Axmed Siilaanyo kusoo saxiixi doono dalka Imaaraadka ayaa waxaa barbar socon doona heshiis kale oo Dowlada Imaaraadka ay ku dooneyso in qeybo kamid ah Garoonka Berbera ka dhigato garoon ay ka duulan Ciidamada Cirka Imaaraadka.
Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka imaaraadka Carabta ayaa 9 March ka degtay garoonka Berbera, taasi oo ay la socdeen Saraakiil Ciidan oo indha indheynaayay qaabka Garoonka iyo qeybaha ay ka degi lahayeen.
Sidoo kale, Axmed Siilaanyo ayaa Safarkaasi imaaraadka gali doona saacado un kadib marka lasoo afjaro Caleemasaarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.
Docda kale, Heshiiskii hore ee iminka qabyada ah ayaa waxa uu ahaa in 3 meelood Hal meel iyo Bar dhaqaalahaasi lasiiyo Axmed Siilaanyo, halka inta soo hartana ay ku dhici doonto Qasnada maamulka.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

