31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xog: Gaas oo wada Latashiyadii ugu dambeeyay lana filayo in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee gobolka Nugaal gaar ahaan madaxtooyada Puntland waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka socday kulamo latashiyo ah oo madaxweyne C/welli Gaas uu la sameynayay lataliyayaashiisa iyo ku xigeenkiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu sameeyay latashiyadii ugu dambeeyay ee uu la yeelan lahaa xubnaha uu la tashanayay dhawaanna la fileysan karo inuu qaataa go’aanka kasoo baxay latashiyada uu sameeyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweyne Gaas uu doonayo inuu xil ka qaado wasiiro badan oo xukuumadiisa ka tirsan waxaana socdo qorshe wasiiru cusub looga mid dhigayo liiska wasiirada cusub ee maamulka Puntland.

Waxaanan oa ogeyn waqtiga rasmiga ah ee xilka laga qaadayo wasiirada ugu badan ee Puntland, laakiin hadal heynta ugu badan ayaa sheegeysa iney tahay maalinta beri oo Khamiis ah, haddii aysan wax isbadalin.

C/Welli Gaas ayaa maalmo ka hor xilka ka qaaday taliyihii ciidamada booliska iyo taliyihii ciidamada Birmadka, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in labadaasi sarkaal la doonayo in maxkamad lasoo taago.

gaas

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News