32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wasiirka Caafimaadka oo lacag ku lunsatay shirkii Copenhagen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa ka dhuumatay shirka fayo-dhowrka gabdhaha iyo haweenka (Women Deliver) ee toddobaadkan ka dhacay magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Wasiirka ayaa ka mid ahayd 10 qof oo Soomaali ahaa oo dowladda iyo ururo ka kala socday, oo shirk aka qeyb galay, xilli ururka Women Deliver iyo dowladda Soomaaliya ay lacag badan ku bixiyeen shirkaas.

Si kastaba, wasiirka ayaa shirka tagtay oo kaliya maalintii koowaad, kadibna u baxday dalka Ingiriiska. Shirka ayaa soconayey 16-19 May.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in saddexda maalmood ee wasiirka ay u goysay shirka ay lacag badan oo joogitaankeeda halkaas ku bixi lahaa ee si shaqsi ah ugu qaadatay.

“Wasiiraddii caafimaadka ee Soomaaliya oo wafdi ahaan ku timid, maalinkii furitaanka un bay timid shirka, kadibna malahayaga Ingiriiskeedii bay ku noqotay, cajiib lacagtii wasaaradda ayaa sidaas loo baabi’inayaa” ayuu yiri qof ka qeyb galay shirka oo Caasimada Online la hadlay, balse codsaday inaan la magacaabin.

Ka sokow lacagta ay wasiirka ku qaadatay ka qeyb gal la’aanteeda shirka, waxaa sumcad iyo magac xumo ay usoo hoyisay Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News