32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Puntland: Xasan Sh. ayaa diiday xuquuqda gobolka BANAADIR

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu sabab u yahay in gobolka Banaadir uusan wax matalaad ah ku yeelan aqalka sare ee baarlamanka cusub ee la dhisayo.

Puntland waxa ay sheegtay in markii la waday doodda dhismaha aqalka sare ay soo jeedisay in lagu qeybsado 18-ka gobol ee Soomaaliya, oo si siman loo siiyo, balse uu diiday madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa ay sheegeen in sidoo kale maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, ay ayaguna diideen inay 18 gobol wax lagu qeybsado ayaga oo ku dhegay in maamul goboleedyada wax lagu qeybsado.

“Xasan, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, ayagaa ku adkeystay inaan 18 gobol wax lagu qeybsan, marka Puntland yaan la eedeyn, dibna yaan naloo celin” ayaa lagu yiri warka Puntland.

Si kastaba, dad badan ayaa weli rumeysan in xitaa 18 gobol haddii wax lagu qeybsado ay faa’iido ku qabaan beelaha Puntland ku abtirsada, maadaama ay degaan gobollo badan oo Maxamed Siyaad Barre uu sameeyey, oo aan ahayn 8-dii gobol ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News