30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Shariif Xasan oo weerar culus ku qaaday Gaas kuna tilmaamay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland ay mar waliba u taagnaato khilaafka qorshooyinka lagu samata-bixin lahaa Somalia.

Shariif Xassan waxa uu sheegay in Puntland ay mar waliba u hanqal taageyso hirgalinta ama fulinta rabitaankeeda Siyaasada balse ay caqabad ku noqoto waxyaabaha aan iyada rabitaankeeda aheyn ee lagu dabiibaayo marxalada cakiran ee dalka uu ku jiro.

Shariif waxa uu sheegay in madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas looga baahan yahay in danta gaarka ah uu ka hormariyo danta guud.

Shariif waxa uu sheegay in xiliyada qaar ay dhicikarto in tanaasul laga muujiyo Heshiisyo horay loo kala saxiixday, waxa uuna sabab uga dhigay inay soo bixi karaan dhibaatooyin degdeg ah, balse Puntland ay dooneyso in Heshiiska uu ahaado mid halkiisa taagan taasina aysan suuragaleynin.

“Wey jirtaa in Puntland ay kaalimaha koowaad kaga jirto maamulada dalka ka hergalinaaya qaadashada federaalka, balse waxaan daruuri aheyn in duruufo muuqda oo taagan lagu sii adkeysto heshiis horay u dhacay, waayo ujeedka loo wada hadlaayo waa in mar waliba loo taagnaadaa tanaasul iyo in dawo loo helo arrimaha cakiran”

“Wuu jiraa heshiis dhigaaya inaan laga talaabin Hanaanka doorasho ee madaxda Soomaaliyeed ku heshiisay balse maaha in la ilaawo dhibaatada iyo baahiyaha taagan”

Dhanka kale, Shariif waxa uu ka digay in mar waliba maamulada ay ku dhabar adeegaan Heshiis mar hore la kala saxiixday haddii ay jiraan baahiyo keeni kara in laga tanaasulo qodobada qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News