29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

R/W CCC oo ka digay qorshe lala damacsan yahay Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa digniin culus kasoo saaray qorsho ay Xildhibaanada BFS ku abaabulayaan dibad-baxyo ka dhan ah Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

R/W Sharmaarke ayaa sheegay in dhibta ka dhalankarta Abaabulkaasi ay ciqaabtiisa usoo laaban doonto Xildhibaanada faraha kula jira abaabulka.

Sharmaarke waxa uu sheegay in dalka uu iminka ku jiro xaalad cakiran islamarkaana uusan xamili karin in abaabul dibad-baxyo uu dhaco.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale digniino dhanka amaanka ah u diray Taliyayaasha iyo Saraakiisha laamaha amniga DFS, isaga oo kaga digay in la qabto banaan-baxyo aan lala soo socodsiin Dowlada, waxa uuna faray in shaqsigii howlo noocaasi ah ay ku arkaan ay jeelka dhigaan islamarkaana amarkaasi fulintiisa ay Taliyayaasha leeyihiin.

R/W Sharmaarke ayaa cabsi lixaad leh ka muujiyay in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan banaan-baxyo lidi ku ah go’aanka Madaxweyne Xassan Sheekh uu maalmo ka hor gaaray.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana suuragal ah in go’aanka uu qaatay Xassan Sheekh uu sabab u noqdo xaalado amni darro oo dalka ka dhaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News