Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in shirkadaha duulimaadyada ee tagi jiray magaalada Gaalkacyo ay dib u bilaabeen duulimaadyadii ku tagi jireen magaaladaasi.
Garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ayaa xirnaa muddooyinkii ugu dambeeyay kadib markii dadka lagu soo kordhiyay lacago dheeraad ah oo canshuur lagu sheegay.
Waxyaabaha qasbay in muddo hakad galaan howlaha garoonka ayaa lagu sheegay kadib markii lacag dhan 20 doolar lagu soo kordhiyay cansuuraha rakaabka laga qaadayo, waxaan taasi cabasho ka keenay shirkadaha duulimaadyada iyo rakaabka.
Shirkad gaar loo leeyahay oo lagu wareejiyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalaada Gaalkacyo ayaa la sheegay iney soo jeedisay canshuurta cusub oo ay sheegeen in amaanka garoonka lagu xaqiijinayo.
Garoonka Gaalkacyo wuxuu halbowle muhiim u yahay magaalada Gaalkacyo, sidaas oo kale wuxuu maalin kasta soo xareeyaa Lacag fara badan, taas oo wax badan ka qabata xaaladdaha magaalada Gaalkacyo.
Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
[email protected]

